Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay laamaha ammaanka

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida & laamaha amniga G/Banaadir.
Kulankaan ayaa looga hadlay dardargalin howlaha qaranka, gaar ahaan howlaha Ammaanka Caasimada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray dhammaan Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay dardargalinta Ammaanka caasimada.
Waxaa uu sheegay in daradar gelinta sugida amniga ay marka koowaad muhiim tahay in lala Shaqeeyo Ciidamada Amniga,waxaana uu sheegay in Ciidanka kaligood aysan waxba qaban karin.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Kulanka ay isku barteen taliyeyaasha Ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here