Ra’iisul wasaaraha soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska kula kulmay madaxweynaha wadankaasi Emmanuel Macron.
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo taageerada Faransiiska ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Paris.
Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska waxa uu u tagay ka qeyb-galka shirka Nabada Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu u sii safro magaalada Brussels ee dalka Belgium xarunta midowga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee EU-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here