Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo tagaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaanada Maamulkaasi.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga eek u sugan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Amaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo markii ugu horeysay tagaya Baydhabo, tan iyo markii loo Magacaabay Xilka Wasiirka Koobad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here