Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Baydhaba

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay Maanta gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed.
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa Garoonka Diyaadaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedka Safarka Ra’isulwasaarah uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Qalabka Sida Gaar ahaan qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa Imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta halkaasi tegay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Wasiirka Koobaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here