Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo safarkiisii ugu horayay dalka kaga baxaya

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ee Maanta oo Axad ah safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka uga baxo tan iyo markii loo Magacaabay xilkaas.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wajahan dalka Kuwait, waxaana Wararka warbahaintu heleyso sheegayaan in u jeedka safarkiisa uu yahay ka qeyb-galo tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah ee ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii Bishii September ee sanadkaan.
Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait wuxuu la kulmi doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, isagoo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.
Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loogu qabto dalkaas,waxaana ka qyeb-geli doona inta badan hoggaamiyeyaal ka socda wadamada Carbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here