Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shacabka fariin u diray

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreeysay Shacabka Soomaaliyeed la hadlay, wuxuuna sidoo kale Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay codka kalsoonida siiyaan si uu u guto waajibaadka qaran ee ka saran u adeegida dalkiisa iyo Fulinta howlaha muhiimka ah ee Horyaala xiligaan adag ee Kala Guurka lagu jiro sidoo kalena ay doorashadu Kaabiga ku soo hayso.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’isulwasaaraha aan lagu Baarlamaanku Ansixin ee Soomaaliya ayaa fariintiisa ku sheegay inii si weyn ugu faraxsan yahay inuu bulshada Soomaaliyeed la wadaago, inuu si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidaas daraadeed, uu doonayo inuu codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, isagoo rajaynaya inay siin doonaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadka qaranka ee dusha ka saaran

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here