Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo la kulmay guddi ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkaasi Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here