Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo doonayo in dalkaasi laga saaro liiska argagixiso 

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan Cabdalla Hamdok ayaa sheegay inuu saraakiisha dowladda Maraykanka kala hadlay in xukuumadda Washington ay Suudaan ka saarto liiska wadamada taageero argagixisada.
Dhawaan ayay ahayd markii mas’uulkan uu qabtay hoggaanka maamulka ku meel gaarka ah ee dalkaasi.
Hamdok ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in si dowladda Suudaan ay horumar ugu tallaabsato ay lagama maarmaan tahay inay meesha ka baxdo caqabadda ka haysata dhanka Maraykanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in Suudaanta dimuqaradiyadda adeegsanayso aynan cidna dunida oo dhan halis ku ahayn.
Mr. Hamdok aya xusay in haddii Maraykanka uu Suudaan liiskaasi ka saaro ay horseedeyso maalgelin shisheeye iyo deeqaha caalamiga ee ay bixiyaan hay’adda IMF iyo bangiga adduunka.
Sannadkii 1993-dii ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay Suudaan ku dartay liiska wadamada lagu eedeyno inay argagixisada maalgeliyaan waxayna xaaladdaasi ku jirtay tan iyo xilligaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here