Ra’iisul wasaaraha Thailand oo sheegay inuusan is casileyn

Ra’iisul wasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa wacad ku maray inuu xafiiska sii joogaya in kastoo ay jiraan dibadbaxyo lagu dalbanaya inuu is casilo.
Tani ayaa timid kaddib markii tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ay dafireen amar ay dowladda wadankaas ku mamnuucday in dad ka badan 5 qof ay hal meel isugu tagaan.
Galinkii hore ee shalay ayuu Thailand ka dhaqangalay amarkan kaddib saddex bilood oo ay mudaharaadyo socdeen.
Dadkan ayaa dalbanaya in la dhimo awoodaha boqor Maha Vajiralongkorn iyo in uu sidoo kale xafiiska baneeyo ra’iisul wasaare Prayuth.
Galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa magaalada Bangkok ka dhacay mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa.
Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen xubnaha golaha wasiirada kaddib ayuu Prayuth oo warbaahinta la hadlay sheegay inuusan iscasili doonin.
Wuxuu intaa ku daray in dowladda laga doonayo inay adeegsato xaaladda degdegga ee lagu dhawaaqay maadaama sida uu hadalka u dhigay rabshadaha ay sii kordhayaan.
Shacabka ayuu uga digay inay jabiyaan amarrada dowladda isagoo cidii iskudayda u sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here