Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu gaaro Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Amniga Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona degaano ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaan Magaalada Xudur.
Degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddo in uu ka dhagax dhigo Mashaariic horumarineed oo loogu tala galay in lagu horumariyo adeegyadda Bulshadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here