Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo dembiyo lagu helay

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak oo ay da’diisu tahay 67 sano ayaa lagu caddeeyay dembiyo la xiriira musuqmaasuqa.
Waxaa lagu helay inuu lacag dhan 9.8 milyan oo doolar lunsaday.
Lacagtan oo ahayd amaah ayay maxkamaddu sheegtay in Najib Razak uu ka bixiyay sanduuqa dowladda dalkaas isagoo u weeciyay akoon bangiyeed oo uu isaga leeyahay.
Go’aanka maxkamadda waxaa soo saaray garsoore Maxamad Nazlan.
Lix maalmood ka hor ayaa Najib Razak ay maxkamadda sare ee dalkaas ku amartay inuu bixiyo 400 oo milyan oo doolar oo ah canshuur uunan bixin intii u dhexeysay 2011-kii ilaa 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here