Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak oo ay da’diisu tahay 67 sano ayaa lagu xukumay xabsi ah 12 sano.
Tani ayaa timid kaddib markii lagu caddeeyay dembiyo la xiriira musuqmaasuqa.
Waxaa lagu helay inuu lacag dhan 9.8 milyan oo doolar lunsaday.
Lacagtan oo ahayd amaah ayay maxkamaddu sheegtay in Najib Razak uu ka bixiyay sanduuqa dowladda dalkaas isagoo u weeciyay akoon bangiyeed oo uu isaga leeyahay.
Go’aanka maxkamadda waxaa soo saaray garsoore Maxamad Nazlan.
Lix cisho ka hor ayaa Najib Razak ay maxkamadda sare ee dalkaas ku amartay inuu bixiyo 400 oo milyan oo doolar oo ah canshuur uunan bixin intii u dhexeysay 2011-kii ilaa 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here