Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali oo xuriyadiisa dib u helay

Wararka naga soo gaaraya dalka Mali ayaa sheegaya in la siidaayay ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaas Boubou Cisse iyo saraakiil kale oo gacanta lagu dhigay bishii sideedaad ee sannadkan.
Waxaa sido kale maanta la fasaxay madaxii hore ee baarlamaanka Mali Moussa Timbine iyo sideed taliyayaal oo militariga ka tirsanaa.
Xilligaas ayaa waxaa dalka Mali ka dhacay afgembi hoggaanka lagula wareegay.
Madaxweyne ku xigeenka Mali , Colonel Assimi Goita ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in Ciisse iyo mas’uuliyiinta kale ay dib u heleen xuriyadooda.
Kaddib 18-kii bishii August oo uu dhacay afgembiga ayaa waxaa la soo dhisay dowlad ku meel gaar ah .
Assimi Goita oo inqilaabka hoggaaminayay ayaa maamulkan ah madaxweyne ku xigeen sido kalena qaabilsan arrimaha amniga iyo difaaca.
Siidaynta saraakiisha la qabtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita ayaa ahaa shardi ay wadamada reer galbeedka ku xireen dowladda Mali si cunaqabateynta looga qaado.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here