Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo doorashada kala hadlay hoggaamiyaha Galmudug

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo horay uga mid ahaan jiray golihiisa Wasiirada balse Xilkaas iska Casilay kaddib Markii uu doorashada Galmudug isu diyaarinayay.
Kulankaan ayaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka waxayna labadaan Masuul isla eegeen sida ugu haboon ee anba qaadi karo qorshaha lagu hagayo doorashada Soomaaliya ee dhamaadka 2020 ilaa bilowga 2021.
Qoraal Kooban oo uu bartiisa Rasmiga ee Facebooga soo dhigay Ra’isulwasaare Xassan Cali Khayre ayuu ku sheegay inuu kulan miro dhal ah Xalay la qaatay madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie qoor qoor ayna ka wada hadaleen arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale isla eegeen howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.
Kulankaan ayaa ayaa noqonaya kii ugu ghoreeyay ee dhexmara Khayr iyo Qoor Qoor tan iyo markii ay golaha shacabka Baarlaanka fedraalka Soomaaliya sheegeen inay Kalsoonida kala laabteen Xukuumadii uu hogaaminayay Xassan Cali Khayre oo 3 Sano iyo dheeraad dalka ka soo shaqaynaysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here