Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Nairobi soo gaaray

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkani Kenya ayaa waxaa xalay Soo gaaray oo lagu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ololihiisa doorashada ka bilaabay dalal kamid ah Geeska Afrika.
Xassan Cali Kheyre oo muddo Shan Cishe ah ku sugnaa Jamhuuriyada Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Wuxuuna kala hadlay arrimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda.
Waraka la helayo ayaa waxaay sheegayaan in Xasan Cali kheyre Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu durba Magaalada Nairobi ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan dowladda,waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo Siyaasiyiin ku sugan Magaalada Nairobi.
Nairobi waxaa xiligan ku sugan qaar kamid ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland , waxaana la filayaa in sidoo kale ay halkaasi tagaan siyaasyiin kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here