Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo amaray inay sii xirnaadaan xarumo muhiim ah.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khare oo Xalay Xafiiskiisa warbahainta kula hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyay qorsheyaasha dowlada federaalka soomaaliya eek u aaddan la dagaalanka Cudurka Covid 19.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inuusan xanunkaan cidna u aabayeelayn sidoo kale dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dowlada ku garab siiyaan xakamaynta faafitaanka xanuunka.
Ra’iisulwasaare Xassan Cali Khayre wuxuu wasaaradda Maaliyada ee dowlada Fedraalka faray inay ganacsatada ka qafiifiso canshuurta laga qaado waxyaabaha muhiimka ah sida cunooyinka iyo daawooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here