Raila Odinga oo beeniyay inuu doonayo in warbixinta BBI ay u fududeyso qabashada hoggaanka dalka

Madaxa mucaaradka ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka, Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in marnaba ujeedada laga leeyahay dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI ay tahay sidii uu madaxweyne ku noqon lahaa.
Warbixintan oo maalmo ka hor lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi ayaa waxaa soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta Kenyaanka ee BBI.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gudaha wadanka ka jirtay hadal hayn siyaasadeed oo ku aaddan sida loogu tallaaba qaadayo qodobbada ku xusan.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshaha uu yahay xoojinta midnimada shacabka iyo xal u helidda caqabadaha wadanka uu wajahayo.
Raila Odinga ayaa dhanka kale sheegay in qodobbada la soo jeediyay qaar ka mid ah ay horseedayaan in wax laga beddelo qeybo ka mid ah dastuurka dalka u degsan.
Mr .Odinga oo warbaahinta Nation u warramaya xilli uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka go’an tahay sidii qaranka loo mideyn lahaa.
Hadalka Raila ayaa jawaab u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta wadanka oo sheegay in madaxa mucaaradka uu doonayo inuu qaab kale ku qabto talada dalka maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhowr ah looga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here