Raila Odinga oo beeniyay inuu la kulmay barasaab ku xigeenka Kilifi

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga ayaa gaashaanka u daruuray warar la isla dhex marayay oo lagu sheegay inuu la kulmay ku xigeenka guddoomiyaha ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Gideon Saburi .
Mr. Saburi oo la soo tabiyay inuu qabo cudurka Covid-19 ayaa hadda karantiil ku jiro.
Afhayeenka Raila Odinga , Dennis Onyango ayaa bayaan uu soo saaray ku xisay in madaxa mucaaradka ee dalka uu la kulmay oo keliya ku xigeenka barasaabka Mombasa William Kingi.
Raila ayaa toddobaadkii hore tagay gobolka xeebta si uu halkaas ugu soo nasto .
Qoraalka ayaa dadweynaha looga codsaday inay iska dhaga tiraan wararka lagu tilmaamay been abuur ee sheegaya in Raila iyo Saburi ay kulan wada qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here