Raila Odinga oo deeq gaar siiyay shacabka ku nool deegaanka Kibra

Ra’iisul wasirihi hore ee dalka ahna hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa rashiin gargaar ah oo ku fadhiya 15 milyaan oo shilinka dalka uu qeybiyey shacabka ku nool deegaanka isku raranta ee Kibra magaalada tan Nairobi.
Deeqdani raashin ayaa loo qeybiyey qoysaska saboolka ah ee ku nool deegaankaasi si ay uga badbaadaan culeyska dhaqaale ee ka soo gaari karo cudurka Corona sida uu sheegay afhayeenka Raila Odinga ee ninka lagu magacaabo Dennis Onyango.
Hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga iyo xaaskisa Ida Odinga ayaa maalintii khamistii rashiinkani oo iskugu jiro cunto , saliid cuntada lagu karsado iyo biyo ayaa waxay uu qeybiyeen shacabka deegaankaasi kibra ayagoo uu sii maraya dowladda dhexe.
Wuxuu Raila tilmaamay inay tahay in dowladdu ay fiiro gaar ah u lahaato xaafadaha sida Mukuru Kwa Njenga, Mathare, Kangemi oo ka mid ah isku raranta ku yaalla magaalada Nairobi iyo sidoo kale ismaamulada kale ee dalka sida Mombasa, Nakuru, Eldoret, Kisumu iyo Kakamega .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here