Raila Odinga oo hantidiisa ku sheegay 2 bilyan

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday inuunan lahayn hantida badan ee ay dadka qaar u haystaan inuu leeyahay.
Xilli xalay uu u warramayay telefishinka maxalliga ee NTV oo si gaar ah loo leeyahay ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka xusay in hantidiisu ay tahay 2 bilyan oo shilin.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqaalahan uu yahay midka qoyska Odinga.
Raila ayaa intaas ku daray inuunan saameyntiisa siyaasadeed u adeegsan in xubnaha qoyskiisa ay dowladda u shaqeeyaan.
Waxaa uu caddeeyay inay Kenyaanka kale la mid yihiin oo xilalka ay hayaan ku heleen tartan iyo inay u qalmaan.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale beeniyay in ka hor kulankii taariikhi ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii dhex maray isaga iyo Uhuru uu la xiriiray madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Mar wax laga weydiiyay hiigsigiisa siyaasadeed ee sannadka 2022-ka ayuu madaxa mucaraadka ku adkeystay inuunan shaacin jaga uu xilligaas doonayo inuu qabto.
Raila ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu hadda diiradda saarayo arrimaha BBI oo hadii la ansaxiyo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI la dhaqangelin doono.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayuu carrabka ku dhuftay in xiriirka kala dhexeya uu anan ahayn mid laga dayrin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here