Raila Odinga oo isbeddel ku sameeynaya xisbiga ODM

Madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Mr. Raila Odinga ayaa sheegay in isbeddel ballaaran lagu sameeynaya xubnaha xisbigaas.
Mr. Odinga ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha guddiyada kala duwan ee baarlamaanka iyo aqalka sare ku matalo ODM.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddeladan ay qeyb ka yihiin geedisocodka isaga iyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay ku dhaqangelinayaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI kaddib marka laga gudbo cudurka safmarka ah ee Covid-19 .
Kulanka oo qaatay afar saacadood ayaa lagu qabtay dhismaha Orange House ee magaaladatani Nairobi.
Shirka waxaa ka qeyb galay senatarka ismaamulka Siaya James Orengo, hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka John Mbadi, xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ,madaxa arrimaha siyaasadda ee xisbiga ODM ahna mudanaha deegaanka Ugunja Opiyo Wandayi, xoghayaha guud ee ODM Edwin Sifuna, agaasimaha guud Oduor Ong’wen iyo qasnad hayaha xisbiga Timothy Bosire.
Dhawaan ayay ahayd markii hadal hayn siyaasadeed oo ballaaran ay ka dhalatay isbeddel uu xisbiga talada haya ee Jubilee ku sameeyay hoggaanka aqalka sare .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here