Raila Odinga oo ka hadlay caqabad haysata haweeney xil safiir loo magacaabay

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Mr. Raila Odinga ayaa doonaya in xildhibaanada baarlamaanka ay wax ka beddelaan go’aankooda ku aaddan in Ms. Mwende Mwinzi oo madaxweynaha dalka uu u magacaabay safiirka Kenya ee Kuuriyada Koonfureed lagu qasbo inay dhinac isaga dhigto jinsiyadeeda Maraykanka.
Mr. Odinga ayaa sheegay in tallaabada mudanayaasha ay tahay mid aan loo baahneyn.
Waxaa uu ku tilmaamay go’aan aad loo dhibsado oo sida uu hadalka u dhigay ku saleysan dano gaar ah.
Madaxa mucaaradka ee dalka ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay inaynan jirin sabab haweeneydan looga hor istaagi karo inay qabato xilka loo magacaabay.
Waxaa uu ku doodaya in caqabadda ay hadda wajahayso ay tahay mid aynan iyada shakhsi ahaan go’aansan maadaama halkaasi lagu dhalay oo aynan jinsiyadda Maraykanka qaab kale ku helin.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC loo bandhigay inuu baaritaano ku sameeyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka oo lagu eedeyay inay haystaan jinsiyadda labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here