Raila Odinga oo ka hadlay kulamada BBI

Madaxa garabka mucaaradka ee dalka Mr. Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in kulamada ku saabsan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI la soo afjari doono bisha saddexaad ee sannadkan.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in marka isku soo baxyada dadweynaha lagu wacyigelinayo la soo gabagabeeyo , xoghaynta guddiga BBI ay guda gali doonto olole qaran.
Odinga ayaa intaas ku daray in ololaha uu noqon doono mid saxiixyo looga soo aruurinayo shacabka si loo qaado afti wax looga beddelaya dastuurka wadanka u degsan.
Qodobbada ku xusan warbixinta BBI waxaa ka mid ah in wadanka uu yeesho ra’iisul wasaare sido kalena hadii ismaamulka uu qof rag ah hoggaaminayo ay haweeney ku xigeen u noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here