Raila Odinga oo ka hadlay Nidaamka qaybsiga dakhliga ee senetka horyalla.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka ahna madaxa xisbiga ODM ayaa Senetarada ugu baaqay in ay baas maariyaan sharci qaybsiga dakhliga ee ay soo diyaariyeen guddiga qondaynta dakhliga isla markana Wixii cabasha ah dib loogu celiyo guddigaasi si mustaqbalka dambe ay wax uga badalaan.
Raila Odinga ayaa sheegay in Khilaafka ka dhashay sharci qaybsiga dakhliga uu sababay kala fogaansho iyo is aamin la’aan Xili loo baahan yahay in dadka ay isku duubnaadan sii loola dagaalo cudurka corona virus.
Hoggamiyaha mucaaradka ayaa ugu baaqay Senetaarada inay aqbalaan nidaamka dakhli qaybsiga ee ay soo diyaariyeen guddiga qondaynta dakhliga ee CRA muddada shanta saano ee soo socota.
Raila Odinga ayaa Senetarada xasuusiyay in ay markii hore iyaga baas maariyen biilkii kowaad ee qaybsiga dakhliga .
Senetarada ayaa dhowr jeer ku heshiin wayay nidaamkan Cusub ee qaybsiga dakhliga.
Nidaamkan cusub ee qaybsiga dakhliga dalka ayaa dhigaya in dakhliga lagu qaybsado tirada dadka ee ismaamulada ku nool iyada oo ay ismaamulada dadkooda badan yihiin heeli doonan lacaagaha ugu badan.
Hoogamiyeyaasha ka soo jeeda ismaamulada ay dadkooda yar yihiin balse ku fadhiyada dhul uu baaxadiisu weyn yahay ayaa ka soo horjeeda nidaamkan.
Hoogaamiyashaasi ayaa sheegay in haddii nidamkan la meel maariyo ay ismaamulada lumin doonan 17 bilyaan oo shillin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here