Raila Odinga oo ka soo horjeestay hindise sharciyeedka Aukot

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Mr. Raila Odinga ayaa gaashaanka u daruuray hindise sharciyeedka uu soo saaray xisbiga Thirdway Alliance ee uu madaxa ka yahay Dr. Ekuru Aukot.
Qoraalkaasi ayaa lagu soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo dastuurka si loo yareeyo tirada xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta golayaasha sharci dejinta sida magacaabidda ah ku galay.
Raila Odinga ayaa qabo in dadweynaha laga doonayo inay ka war sugaan warbixin uu soo saari doono guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa haweenka Kenyaanka ah kula talisay inaynan taageerin hindisaha Aukot ee loo yaqaano Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay culeyska dhanka hoggaanka hala yareeyo

Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali ayaa dhaliilay kooxda haweenka hoggaamiyaasha ah ee isugu yeera Embrace.
Waxaa uu u soo jeediyay inay diiradda saaraan wax u qabashada dumarka oo aynan ku mashquulin mideyn shacab maadaama hadda aynan kala qeybsanaan jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here