Raila Odinga oo Kenyaanka ugu baaqay inay ka doodaan warbixinta BBI

Madaxa xisbiga ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa shacabka ugu baaqay inay si qoto dheer u eegaan qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in sannadka cusub ee 2020-ka la doonayo in la qabto doodo wax ku ool ah oo ku saabsan warbixinta.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya sheegay in soo dhisidda guddiga BBI in looga gol lahaa xoojinta midnimada kenyaanka.
Sido kale waxaa uu xusay in ujeedooyinka loo soo aasaasay inay ka mid ahayd sidii hoggaamiyaasha wadanka loo dareensiin lahaa xal u helidda caqabadaha dalka ka jiro.
Raila Odinga ayaa ku nuuxnuuxsaday in cid kasta ay xor u tahay inay soo gudbiso isbeddelka ay doonayso in la sameeyo si dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI ay u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.
Siyaasiyiinta dalka ayuu ka codsaday inay dadweynaha fursad u siiyaan inay akhriyaan oo ay fahmaan waxyaabaha la soo jeediyay.
Hadalka Raila ayaa ku soo aadaya iyaadoo ilaa iyo hadda aan si rasmi ah la isula meel dhigin qaabka loogu tallaaba qaadayo warbixinta.
Siyaasiyiinta qaar ayaa ka soo horjeedo in la qabto afti dastuurka wax looga beddelayo.
Waxay ku doodayaan in baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu isbeddelada la soo jeediyay sameeyo.
Hasa ahaate guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in warbixinta dib loogu celiyo dadweynaha.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Kulankaasi iyo gacan qabsi xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii cakirneyd ee xilligaas wadanka uu ku jiray.
Waxyaabaha warbixinta lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in dalka uu yeesho ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan.
In qofkii soo sheego fal musuqmaasuqa boqolkiiba 5 laga siiyo hantida la dhacay ee dib loo soo helo.
In hadii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay ay ku xigeen haweeney u noqoto.
In meesha laga saaro xilalka xoghayayaasha wasaaradaha ugu sarreeya ee dhanka maamulka iyo arrimo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here