Raila Odinga oo ku baaqay in dib loo dhigo furitaanka dugsiyada

Madaxa xisbiga mucaaradka ODM, Raila Odinga

Waxaa gudaha wadanka ka taagan dood ku saabsan in xilligan ay habboon tahay in dugsiyada dib loo furo.
Dowladda ayaa horay u sheegtay in 4-ta bisha June dib loo furaya xarumaha waxbarashada.
Sido kale dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu caranbaabay in Kenya aynan ku sii jiri doonin xayiraadaha jira.
Madaxa xisbiga mucaaradka ODM, Raila Odinga ayaa dhankiisa ku baaqay in dib loo dhigo taariikhda la qorsheeyay.
Waxaa Raila soo jeedintan ku taageeray guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ahna hoggaamiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya.
Labaduba waxay sheegeen in hadii dugsiyada la furo halis la gelinaya nolosha malaayiin arday ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here