Raila Odinga oo ku baaqay in isbeddel lagu sameeyo hannaanka caafimaadka ee dalka

Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Mr. Raila Odinga ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka caafimaad ee dalka.
Raila ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twittarka ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee (NHIF) iyo machadka dalka ee sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee (KEMRI)
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in dib loo eego kaalinta deeq bixiyaasha ay ku leeyihiin daryeelka caafimaadka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here