Raila Odinga oo ku baaqay in la sameeyo maalgelin dhanka tamarta ah

Hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaale Mr. Raila Odinga ayaa soo jeediyay in dalalka qaaradda ay xoogga saaraan sidii ay u sameyn lahayeen maalgelin ballaaran oo ah dhanka tamarta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay sare u qaadeyso wax soo saarka ugu dambeyna horumarka wadamada Afrika.
Raila Odinga ayaa sido kale xusay in maalgelin dhinaca tamarta ay horseedeyso in dhalinyaro badan ay shaqooyin helaan.
Mr. Odinga oo arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa jaamacadda Strathmore ee magaaladatani Nairobi ayaa waxa laga qoomameeyo ku tilmaamay in 16,000 qof oo ku nool wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika inay ka shaqeyaan shirkadaha soo saaro tamarta in badan la adeegsan karo dhanka kale 600 oo milyan oo ruux aynan haysan adeeg koronto.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sanadaha soo socdo la saadaalinayo in tirada shacabka ku nool wadamada Afrika ay laba jibaar noqon doonto sidaasi awgeedna la doonayo in xilli hore la guda galo sidii shaqa abuur loogu sameyn lahaa da’yarta ay tiradoodu sii badanayso ee shaqa la’aanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here