Raila Odinga oo mesha ka saaray in aftida qaran iyo doorasha soo socota ay hal wakhti noqdaan

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa meesha ka saaray in aftida wax looga beddelayo dastuurka dalka u degsan iyo doorashada guud ee sannadka 2022-ka ay isku wakhti noqdaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in aftida si gaar ah loo qabto ka hor codeynta.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Nation ee maanta isaga oo ku sugan hooyigiisa ku yaalla xafadda Karen ee magaladatan Nairobi, ayuu Mr. Odinga sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka Mr .Uhuru Kenyatta mar dhow lagu soo wareejin doono warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI si ay u bilaabaan geedisocodka la xiriira in afti loo qaado dastuurka.
Waxaa horaan la soo jeediyay in aftida meesha laga saaro ama la qabto xilliga doorashada guud iyadoo lagu saleynaya kharashaadka ku baxaya iyo carqaladeynta ka dhalatay faafitaanka cudurka Covid-19 iyo ololaha kala duwan.
Mr .Odinga ayaa u sheegay wargayska Nation in marka warbixinta BBI uu soo bandhigo guddiga uu hoggaamiyo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji kaddib loo bandhigi doono dadweynaha si looga wada hadlo.
Waxaa uu madaxa xisbiga ODM intaa ku daray in warbixinta ay ka koobnaan doonto saddex qodob oo kala ah arrimaha u baahan in golaha fulinta uu xalliyo, kuwa baarlamaanka qaab xeer dejin ah uu wax kaga qabanaya iyo isbeddelada ay tahay in afti loo maro.
Warbixinta BBI-da ayaa timid BBI kaddib heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii sadeexaad ee sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Geedisocodkan ayaa looga gol leeyahay in xal loogu raadiyo caqabadaha ka jiro wadanka sida musuqmaasuqa , qabyaaladda iyo doorashooyinka lagu kala qeybsamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here