Raila Odinga oo sheegay in 2 bilyan oo shilin loo adeegsan karo aftida dastuurka

Madaxa xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa sheegay in qarashka ku baxaya in la qabto afti dastuurka dalka wax looga beddelaya uu yahay 2 bilyan oo shilin.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray in dhaqaale gaaraya 14 bilyan howshan loo adeegsan karo sida uu shaaciyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.
Dhawaan ayay ahayd markii sii hayaha xilka madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjaan oo ka soo hormuuqday guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka uu sheegay in qiimaha lacagtan ay ku saleyeen diiwaankii codbixinta sannadkii 2017-kii .
Marjaan ayaa hoosta ka xarriiqay in guddi ahaan ay fariisteen oo ayna isweydiiyeen dhaqaalaha dalka laga bixi karo afti la qabto in kastoo uu xusay in ay weli qiimeyn dheeraad ah sameynayaan.
Xuseen Marjaan waxaa uu sidoo kale xusay in IEBC ay diyaar garoow ugu jirto afti dalka ka dhacdo iyo doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Hasa ahaate Mr. Odinga ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashooyinka ee dalka.
Hoggaamiyaha ODM ayaa guddiga IEBC ku eedeyay inuu soo saaray qiimo sare oo lagu qaban karo aftida si loo lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan macquul ahayn in lacag ka badan 2 bilyan oo shilin ay Kenya kaga baxdo afti dastuuri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here