Raila Odinga oo sheegay in arruurinta hal malyin saxiixyo uu bilaaban doona mar dhow

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in toddobaadka dambe la bilaabi doona arruurinta hal milyan oo saxiixyo ah ee warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI taas oo la filayo in loo gudbiyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC
Raila Odinga oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Capital Hill ee magaaladatan Nairobi kaddib markii uu la kulmay hoggamiyeyaasha gobolka xeebta ee dalka ayuu sheegay inuu doonaya in sida ugu dhaqsiyaha u badan lagu soo dhameystiro barnaamijkaasi islamarkaana loo sii gudbo aftida dalka laga qaban doono .
Waxaa uu intaa ku daray inuu doonay in arruurinta saxiixyada la soo gaba gabeeyo bisha Abriil ee sannadka soo socda.
Madaxa ODM ayaa dhanka kale sheegay in talooyinka ay soo gudbiyeen madaxdi uu la kulmay ee ka socotay gobolka xeebta loo sii gudbin doono guddiga BBI-da.
Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo cadaadis dheeri ah oo ka imanaya kooxo dhowr ah oo siyaasiyiin ah ku waas oo ku baaqaya in dib loo eego warbixinta ka hor intaan aftida loo qaadin.
Sidoo kale hoggaamiyaasha kaniisadaha Catholic-ga ee dalka ayaa ku biiray kooxaha dalbanaya in isbeddel lagu sameeyo soo jeedinnada warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ururka ay ku mideysan yihiin baadariyaasha kaniisadahan ee (KCCB) ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddi loo saaro dib u eegista warbixinta ka hor inta aan la ansaxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here