Raila Odinga oo sheegay in geedisocodka BBI uu dib u bilaaban doona toddobaadka dambe

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in geedi socodka guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI ee wax looga beddelayo dastuurka dalka uu dib u bilaaban doona toddobaadka dambe.
Mr .Odinga ayaa sheegay in barnaamijkan uu hakad galay si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.
Waxaa uu xusay in arrimaha BBI ay dhawaan u sii socon doonaan sidii caadiga ahayd islamarkaana loo bandhigi doona shacabka Kenyaanka si ay u fahmaan.
Waxa uu dadweynaha ka codsaday inay u diyaar garoobaan olalaha lagu taageeraya warbixinta BBI.
Raila ayaa taagerayaashiisa ku booriyay inay soo dhaweeyaan talooyinka uu soo jeediyay guddiga uu hoggaamiya senatarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in ujeedkiisa iyo midka madaxweynaha uu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka dalka ka jira iyadoo loo marayo warbixinta BBI.
Raila odinga ayaa sidoo kale shacabka Kenyaanka ugu baaqay inay u hoggansamaan awaamiirta wasaaradda caafimaadka si looga hortaggo mowjadda labaad ee cudurka Covid-19 oo haatan dalal qaar oo caalamka ka mid ah ku soo laba kacleeyay.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa waxa uu canbaareyn dusha uga tuuray ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo uu u sheegay in uu joojiyo isku tilmaamida qof faqiir ah.
Waxaa uu xusay in xaqiiqda ay tahay in Ruto uu yahay maalqabeen sidaas awgeedna aan looga baahneyn inuu iska dhigo qof matalaya dadka danyarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here