Raila Odinga oo sheegay in ODM ay isu diyariyaan isbaheysi cusub

Hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa u sheegay saraakiisha sar saree e xisbiga inay u diyaar garoobaan isbaheysi siyasadeed ka hor doorashada sanadka 2022-da.
Tani ayaa noqoneysa cadayntii ugu waynayd oo ah in Ra’osul Wasarihi hore ee dalka damacsanyahay inuu kala diro isbaheysigi Nasa.
Markii ugu horeysay ayaa Raila waxa uu saadaaliyay in xiriir asaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu soo dhaawyahay taasi oo wax ka badali doonta saaxada siyasada ee dalka.
Nasa oo ka koobaan xisbiyada Wiper, ANC, Ford-Kenya, ODM Iyo CCM, ayaa ah mid Meesha ka baxay iyada oo xisbi walba uu qaadayo jaha gooni ah.
Raila ayaa u sheegay guddiga heer qaran ee ODM in mustaqbalka u wanagsanyahay xisbiga ka dib markii iskaa shadeen xubnaha Jubilee e madaxweyne Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here