Raila odinga oo sheegay in tartanka doorasho ee sannadka 2022-ka uusan u dhaxeyn doonin kuwa saboolka iyo kuwa hodanka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna hoggamiyaha xisbiga mucaaradka ODM Raila Odinga ayaa sheegay in doorashada madaxtinimo ee sannadkaa ee 2022-ka aysan noqon doonin tartan udhaxeeya dadka taajiriinta ah iyo kuwa saboolka ah.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bonmet ayuu arrintaasi ku tilmaamay mid marin habaabineyso shacabka Kenyaanka.
Hadalka Raila ayaa ku soo aadaya kaddib markii dhawaaan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in tartanka doorashada soo socoto ee sannadka 2020-ka ee u dhaxeyn doonta kuwa saboolka uu isaga iskala jeeda iyo kuwa hodanka ah.
Dhanka kale hoggamiyaha xisbiga mucaradka ee ODM Raila Odinga ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono ololaha barnaamijka dib u heshiisiinta iyo mideynta ee loo yaqaano BBI
Odinga ayaa ku eedeyay dadka ka soo horjeeda BBI-da in ay dana gaar ah wataan.
Waxaa uu xusay in la joogo waqtigii wax laga badali laha dasturka dalka waxaa uuna dhanka kale dadkii kaso horjeeday dastuurkii 2010-ka ugu baaqay in ay fursadan kaga fa’iideystaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in BBI-da ay ka shaqeyn doonto sidii si siman loogu qaybsan lahaa dakhliga iyo hoggaanka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here