Raila Odinga oo u safray DRC

Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga ayaa saaka ka dhoofay dalka isaga oo u safray jamhuuriyadda dimuqradiyadda Congo ee DRC
Bayaan uu soo saaray afhayeenkiisa Denis Onyango ayaa lagu sheegay in Mr. Odinga uu labo cisho joogi doono DRC .
Raila Odinga ayaa kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha dalkaasi Felix Tshisekedi si uu dib ugu eego horumarka laga sameeyay mashruuca korontada biyaha laga dhaliyo ee Grand Inga Hydropower, ayaa lagu yiri bayaanka.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxa uu daba socdaa kulan heer sare ah oo heer caalami ah kaas oo bishii lixaad ee sannadkan loo qabtay qaab online ah.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa la filayaa inuu taageero siyaasadeed oo heer qaaradeed ah u raadiyo mashruuca Inga Hydropower .
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto dalka dhammaadka toddobaadkan.
Dhanka kale madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo madaxda Afrika si mashruuca Grand Inga Hydropower looga dhigo mid qaaradeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here