Raila oo ka digay in dhallinyarada loo adeegsado arrimo siyaasadeed

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga ayaa dowladda ugu baaqay inay tallaabo sharciyeed ka qaado cid kasta oo rabshad ku lug leh.
Waxaa uu si kulul u cambaareeyay rabshadihii maalinkii Axadda ka dhacay degmada Kenol ee ismaamulka Murang’a oo labo qof ay ku dhinteen.
Sido kale waxaa uu soo jeediyay in la joojiyo ololaha siyaasadeed oo uu xusay in madaxda qaar ay xilli hore guda galeen.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale dhallinyarada uga digay in loo adeegsado kicinta rabshadaha.
Madaxa ODM ayaa dowladda u soo jeediyay inay dardargeliso baaritaanada la xiriira dhibaatooyinkii ka dhacay Murang’a si loola xisaabtamo cidii ka dambeysay.
Rabshadaha ayaa maalinkaa dhacay xilli ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu ku wajahnaa Kenol waxayna u dhexeyeen labo koox oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here