Raila oo meesha ka saaray isbeheysi dowladeed oo kala dhexeynaya Uhuru Kenyatta

Madaxa mucaaraadka Raila Odinga

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Mr. Raila Odinga ayaa sheegay inuunan hadda ku howlaneyn gorgortan ku aadan in isaga iyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay soo dhisaan maamul dowladeed oo awood qeybsi ku saleysan.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku dhuftay in ka hor dhammaadka sannadkan la sameynayo isbeddelo ballaaran oo siyaasadeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xisbiyada ODM iyo Jubilee uunan jirin mid kan kale u soo bandhigay in isbeheysi la sameeyo ka hor doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan oo keliya ka miro dhalintii heshiiskii 2018-kii iyo arrimaha BBI.
Raila Odinga ayaa xusay in sannadkan gudihiisa la qabanayo afti wax looga beddelayo dastuurka dalka sidaas awgeedna Kenyaanka laga doonaya inay isku diyaariyaan.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayuu Mr. Odinga sheegay inuu warbixintiisa soo bandhigi doono marka laga gudbo cudurka Covid-19 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here