Raila oo safar ku tagay DRC

Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga ayaa socdaal ku tagay jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC.
Saddex toddobaad ayaa laga jooga markii safar laba cisho ah u ku tagay dalkaasi.
Raila oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka ayaa dalkaasi u tagay si uu u soo qiimeyo horumarka laga sameeyay mashruuca korontada biyaha laga dhaliyo ee Grand Inga Hydropower.
Waxaa uu sheegay in mashruuca Grand Inga Hydropower uu weli ka mid yahay mashaariicda ugu muhiimsan ee kaabayaasha dhaqaalaha guud ahaan Midowga Afrika.
Waxaa uu intaa ku daray inuu wada hadal la yeeshay guddomiyaha mashruucan, Jacques Kyabula.
Dhanka kale ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa safar shaqsiyaadeed oo afar maalmood ku tagay Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE)
Safarka Dr Ruto ayaa ku soo beegmay sannadguuradii 52aad ee xaaskiisa Rachel Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here