Raila oo sheegay inaan la hor istaagi karin BBI

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM , Raila Odinga ayaa sheegay inaynan jirin cid awood siyaasadeed ama qaab kale u adeegsan karto inay hor istaagto isbeddelada dalka ka socdo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la dhaqangelinayo qodobbada ku xusan warbixinta guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta ee BBI in kastoo ay jiraan dad u muuqdo inaynan la dhacsaneyn.
Arrintan ayuu sheegay xilli shalay fagaaraha Mama Ngina ee magaalada Mombasa , gobolka xeebta ee dalka lagu qabtay isku soo bax ballaaran oo ku saabsan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here