Raila oo sheegay inaan la joojin karin geedisocodka BBI

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga ayaa sheegay in mar dhow dib loo billaabi doono geedisocodka la xiriira warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaysan jirin cid hor istaagi karto isbeddellada la doonayo in lagu sameeyo dastuurka dalka u degsan.
Mr .Odinga ayaa sheegay in marka la dhaqangeliyo warbixinta BBI , ismaamullada ay fursad u heli doonaan inay dhaqaale badan u qoondeeyaan mashaariicda horumarineed.
Raila ayaa wax laga qoomamoodo ku tilmaamay in muddo ka badan 50 sano ay weli jiraan deegaano dhanka horumarka ku dambeeya.
Raila Odinga ayaa sidoo kale dadka siyaasaddiisa la dhacsan ka codsaday inay taageeraan isbeddellada ay doonayaan isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in sababta uu ugu ololeynaya dhaqangelinta warbixinta BBI ay tahay inuu rajeynaya inay wadanka u horseedo haleelidda horumarro la seegay tan iyo markii ay Kenya xornimada qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here