Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo gudiga Gurmadka qaran Amray inay shaqooyinkooda laba jibaaraan

Shirka fogaan-aragga ee Guddiga Qaran ee xakameynta iyo ka hortaga cudurka COVID19 ayaa xalay qabsoomay, waxaana Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali khayre,iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay in si deg deg ah loo qaado.
Shirka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo Caabuqa Corona.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga inay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.
Guddiga qaran ee ka hortagga Cudurka COVID-19 ee Soomaaliya oo uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaaay yeesheen kulan joogto ah, oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaasoo qaarkood aan weli dhaqan gelin ayadoo dhanka kale xaaladaha cudurkaan ee ilaa bartamihii bishii March Soomaaliya laga helay ay kun ku sii dhow yihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here