Ra’isul wasaare Khayre oo Dawo Gaarsiiyay Isbitaalka Guud Ee Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa dawo gaarsiiyay isbitaalla Galguduud ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Agaasimaha guud ee isbitaalka, Dr. Axmed Maxamed Mahdi, oo sheegay in ay baahi wayn u qabeen dawadaan ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahad celiyay sida dhaqsaha badan ee dalabkooda uga jawaabay, waxa uuna rajeeyay in wax badan ay ka tari doonto daweynta bukaannada lasoo gaarsiiyo Istibaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here