Ra’isulwasaarah Cusub oo la kulmay hogaamiyaha Xisbiga Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta wuxuu Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Kulankaan oo saacado qaatay ayay labada mas’uul uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha la xiriira doorashada, waxaana Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo kulanka faah faahiyay uu sheegay inay isla garteen in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda ayna noqoto mid lagu Kalsoon yahay loona dhan yahay.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble kalsooni gelinta ku aaddan inuusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorsho xilligeeda ku qabsoonta Soomaaliya looga hirgalin lahaa dhamaadka Sanadkaan ilaa bilowga Sanadka Soo aadan 2021-ka
Waa kulankii ugu horreeyay ee dhex-mara Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, waxaana kulankaan uu qeyb ka yahay kulamo uu maalmahaan waday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu la yeelanayay dhinacyada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Ra’isulwaasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa lagula Taliyay inuusan soo magacaabin wasiiro Cusub ee Xilka uu u siidaayo wasiiradii Xukuumadii ka horaysay ee Kalsoonida Baarlamaanka Wayday.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahaana Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wakhti yar haysto, sidaas darteedna uu kula talinayo in wasiiro cusub aanu soo magacaabin ee uu sii haysto wasiiraddii horey u joogay.
Cabduweli Cali Gaas ayaa sheegay in marka la fiiriyo waqtiga yar iyo doorashooyinka uu dalka galayo ay Shaqooyinkaas qaban karaan Golaha Wasiirada oo xilalka sii haya si ay u fududaato doorasho ku dhacda waqtigeeda.
Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo shalay Golaha Shacabka ay ansixiyeen uu ku jiro diyaar garoow ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada cusub ee Xilka sii haynaya ilaa dalka Soomalaiya ay ka dhacdo doroasho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here