Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Maraykanka oo kulamay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto,waxayna kulankooda kaga hadleen arrimo dhowr ah.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in labada Masuul ay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee dhinaca Nabadda,xasiloonida iyo Barwaaqada.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Xubnaha ka ah taasoo horseedi karta soo nooleynta Soomaaliya oo awood leh.
Safaarada Mareykanka ee muqdisho, QM iyo Xubnaha daneeyayaasha arimaha Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa waxaay horay u sheegeen inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada si looga wada qeyb qaato doorashada soo socota ee sanadka 2021 bilowgiisa la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya. 27-Nov-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here