Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Ruushka oo Kulmay.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee dowlada Ruushka ku Matalaya dalka Soomaaliya Mikhail Golovanov waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dowladood.
Safiirka dowlada Ruushka u fadhiya Soomaliya ayaa sheegay inay dowladiisu dhinacyo badan ka taageerayso dalka Soomaaliya isagoo xusay inay si gaar ah diirada u saarayaan arimaha amaanka Soomaaliya iyo xasilinta dalka.
Safiirka ayaa hadalkaan sheegay xilli uu Magalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.
Safiirka oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Shalay ayay ahayd markii uu Safiirka Ruushku magaalada Muqdisho kula kulmay masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayna ka wada hadleen qaababka ugu Haboon ee xukuumada Moscow ay Muqdiso uga Taageeri Karto Arimaha Waxbarashada.
Wadanka Ruuska wuxuu ka mid yahay dalalka taageerada siiya Soomaaliya,waxaana bilihii u dambeysay uu ka mid ahaa dalalka isha gaarka ah ku hayay Arrimaha Soomaaliya,isagoo ka taageerayay Arrimaaha amniga maadaama dowlada Soomaaliya ay hada ku dadaalayso sidii waxa badan looga Qaban lahaa dhibaatooyin dhanka amaanka ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here