Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha dibada Ruushka oo khadka Telefonka ku wada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah waxaa uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Russia Sergey Lavrov.
RW Kheyre ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ka codsadey in gacan laga siiyo ladagaalanka Cudurka Corona Viruska oo gudaha dalka Soomaaliya laga xaqiijiyay inuu Haleelay dad ay Tiradoodu gaarayso 237 qof sida uu bogiisa Twwiter-ka ku daabacay RW Xassan Cali Kheyre.
Ra’isulwasaraha ayaa sheegay inay wada-hadal muhiim ah yeesheen isaga iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlayna ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo cudurka Covid19 oo masiibo ku noqday aduunka oo idil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ruushka ayaa dhankiisa balan qaaday inuu dalkiisu uu soo dirayo qalab iyo dhaqaatir caafimaad maalmaha soo socdo si ay Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka lagula jiro xanuunka Coronavirus iyo sidii looga hortegi lahaa faafi taanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here