Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay ciidamada xoogga ee howlgalada ka wada Gobolka shabeelada Hoose.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa ciidamada xooga ku amaanay howlagada ay deegaano dhowr ah uga saareen dagaalameyaasha AL-shabaab wuxuuna sheegay inay guul badan gaarayaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed intay ciidamadaasi haystaan.
Xassan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo shalay Soo gabagabeeyay Socdaal mudo todobaad ah qaatay oo uu ku marayay deegaanada maamulka Koonfur ayaa sheegay in shacabka magaalada Marka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo iskaashanaya ay u suuro galay inay Magaalada Marka iyo Nawaaxigeeda ka saareen xoogga Al-shabaab,isagoo intaasi ku daray inaysan madaxda qaranka iyo shacabkaba Al-shabaab ka cabsanayn intay joogaan ciidamada uu ku Tilmaamay Geesiyaasha Naftooda u huraya dalkooda iyo dadkooda.

 

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaay Maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano & degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo xalay iska hor imaado ka dhaceen.
Ciidamada dowladda & xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalameen degmooyinka Awdheegle,Afgooye,Qoryooleey iyo deegaanka Bariire oo dhamaantooda ka wada Tirsan gobolka Shabeelada Hoose,kadib markii Shabaabku ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee halkaas ku yaala.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay baadi goob ku hayaan Xubno Al-Shabaab daacad u ah oo Xalay Saldhigyada Ciidamada soo weeraray.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan oo ay Sanadkaan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose waxaay kula wareegeen degmada Awdheegle iyo deegaannada Sabiib & Caanoole,halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Dagaalameyaasha Al-Shabaab,waxana wali gobolkaasi ka sii socda howlgalada ka dhanka ah xooggaga dowlada diidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here