Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo faahfaahiyay Guusha dayn Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka Soomaaliyeed Toos Ula Wadaagaya Guusha laga Gaaray Qorshaha Deyn Cafinta Dalka.
Kheyre ayaa Sheegay in Hay,adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Horumarinta Afrika ay go,aansadeen in ay Soomaaliya ka cafiyaan deyntii ay ku lahaayeen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ay kala hadlayaan in ay deynta ka cafiyaan maadaama Hay,addihii lacagta adduunka ay cafiyeen.
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Caawa Shir Jaraa’id oo xafiiska uu ku qabtay waxuu uga hadlay guusha shacabka Soomaaliyeed uga soo hoyatay iyo wadadii loo soo maray deyn cafinta

Waxaa uu xusay in hadda ay Soomaaliya ay u furan tahay in ay si toos ah ula macaamisho Hay,addaha lacagta Aduunka.
Kheyre ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen bixinta mushaaraadka Shaqaallaha dowladda iyo Ciidanka.

Warbixin ka soo baxday hey’adda lacagta adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go’aan qaadasha dayn cafinta.
Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha maaliyadda dalka.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano”.
‘’Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay” ayay tiri Agaasimaha maamulka Hey’adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva.
Agaasimaha Maamulka Hey’adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.
Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.
“Waxaan dadaalka Soomaaliya ku bxiisay soo celinta hannaan dagan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka Maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha maanta laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsanyihiin go’aanka ka soo baxay oo Soomaaliya u suuragalinaya in ay dib ula soo noqoto xiriirkii dhaqaalaha caalamiga ah, waxaana uu tilmaamay in ay ku timid dadaal xooggan oo ay dowladu bixisay, iyada oo la shaqaynaysa hey’adaha dhaqaalaha caalamka sida Bangiga Adduunka iyo Hey’adda lacagta Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here