Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Ganacsatada ka dalbatay inaysan kordhin Qaymaha Maciishada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay Shirka Qaran ee ka hortagga Cudurka COVID 19.
Kulankaan oo ahaa qaab online ee Internet-ka ayaa waxaa ka qeyb galay Ganacsatada ku nool Gobolkan Banaadir,waxaana diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa in Ganacsatada aysan Shacabka maciishada ugu qaaliyeyn maadaama Dowladda ay Canshuur dhaaf u sameysay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga digay Ganacsatada inay maciishadda ku qaaliyeeyaan shacabka, kadib markii uu dhaqan galay canshuur dhaafka,waxaana Ganacsatada ay aqbaleyn baaqa Ra’iisul Wasaaraha.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd Markii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waxaay ku dhawaaqdey in Canshuur dhaaf loo sameeyey qaar ka mid ah cunnada qutul daruuriga ee dalka soo gasha,kadib markii ay soo korortay cabsida laga qabo inay yaraadaan Cuntooyinka dalka soo gala sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.
Dhanka kale Machad ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inuu soo saaro marada wajiga lagu Xirto oo xanuunka in la isku gudbiyo looga gaashaanto.
Machadkaan oo lagu Magacaabo Hano Academy ayaa soo saaray dhowr kun oo qalabka afka iyo sanka lagu xirto ah {Face mask} si ay uga qeyb qaataan ka hortagga cudurka Covid19 ee Soomaaliya.
Sacdiya C/laahi Siyaada Maamulaha Machadkaan ayaa sheegtay inay diro badan Maalinkasta soo saarayaa,ayadoo xustay inuu shaqo abaar u yahay dhalinyarada halkaas ka howlgala.

Face-maskiga ay soo saaraan Macadkaan Muqdisho ku yaala ayaa wuxuu ka samaynsa maro waxayna arintaan qayb ka tahay dadaalka dowlada iyo dadka Soomaaliyeed ay cudurka kaga hortagayaan sida wada Jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here